Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in kiisaska Corona ay gaareen 135

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay shaacisay in tiradda kiisaska Coronavirus ay gaareen 135 xaaladood.

Kiisaska soo kordhay oo ah 19 qof ayaa kamid ahaa 25 ruux oo maanta caabuqa laga baarey, sidda ay wariyeyaasha u sheegtay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaraddaas.

Fowziya oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in tiradda dhimashadda ay gaartay todoba qof. Balse, ma aysan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan bukaanada cusub.

"Sidaad arkeysaan cudurka fididiisa way socotaa, waxaan ku talineynaa mar walba hadii aan nahay Wasaaradda iyo guud ahaan bahda Caafimaadka; in taxadarka la badiyo, in si kasta oo cudurka looga hortagi karo looga hortago, in lagu dedaalo sidii nadaafada kor loogu qaadi lahaa, gacma dhaqashada," ayay raacisay.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay kuna dhow wasaaradda ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in bukaanada cusub ay 15 kamid yihiin Lab, 4-ta kelana ay yihiin Dhedig.

Shalay ayay ahayd markii la diiwaan-geliyey 36 kiis oo cuusb, taas oo wadarta guud ka dhigtay 116. Xaaladaha oo lagu xaqiijiyey 24-saac gudaheeda 27 waa LAB, 9 kalena waa DHADIG. 

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee Maaj ayay ahayd markii ugu horeysay oo gudaha Soomaaliya laga soo wariyey kiiskii koowaad oo cudurka Covid-19 ah. Muwaadin ka yimid Shiinaha ayuuna soo ritay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM