Dowladda Soomaaliya oo shaacisay kiisas cusub oo Coronavirus ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaarada Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ay xaqiijisay laba kiis horleh oo ku saabsan Coronavirus, taas oo wadarta guud ka dhigeysa todoba.

Labada kiis ee cusub ayaa midkood waxaa laga helay qof ajnabi ah, halka shaqsiga kale uu yahay muwaadi, sidda ku xusan bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hal ruux uu kasoo kabtay xanuunka, isla markaana aysan illaa iyo haatan jirin qof u geeriyooday.

Tani ayaa ka dhigan in tirada ajaaniibta uu soo ritay cudurka ee ku sugan Muqdisho ay gaareyso saddex, iyaddoo midkood uu yahay ajnabi la shaqeeya xafiiska Qaramada Midoobay ee magaala madaxda dalka.

Inkastoo xukuumada Muqdisho ay su’aal gelisay, Somaliland ayaa horey ugu dhawaaqdey in laba kiis oo midkood laga helay ruux u dhashay China, oo ah dalka uu asal ahaan kasoo bilowday caabuqaas dilaaga ah.

Marka lagu daro tirada Somaliland sheegatay, wadarta guud ee kiisaska fayruska ee ka jira Soomaaliya ayaa waxay gaareysaa sagaal kiis.

Dowladda Puntland oo ku adkeysatay in aysan wali helin wax kiis ah ayaa sheegtay in ay baaritaan ku waddo shaqsiyaad lagu tuhmay cudurka oo qeybtood dheecaanadooda loo diray dibada si loosoo hubiyo.

Soomaaliya ayaa nan haysan sheybaarka lagu ogaado Covid—19, waxaana dalku isticmaalaan mid yaala caasimada Nairobi ee dalka Kenya, wallow la rajeynayo in todobaadka soo aadan laga soo dejiyo Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM