Dowladda Soomaaliya oo sheegatay la wareegida Aadan Yabaal

Image
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdullaahi Cali Caanood ayaa xaqiijiyey "xorreynta" degmadan muhiimka ah.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya iyo dadka degaanka ay la wareegeen degmada istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe.

Maleyshiyaadka AlShabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa waxay maamulayeen degmadan tan iyo sanadka markii uu ahaa 2016-kii. Waa magaaladii ugu dambeysay ee gobolka oo xoogaga hubeysan laga faromaroojiyey.

Ciidamadda oo garab-sanaya dadka degaanka ayaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida kula dagaalamay duleedka Aadan Yabaal saddex casho kahor. Wali lama ogga khasaaraha iska-hor-imaadkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalameyaasha hubeysan ay "ka hayaameen" degmadda kadib markii "ay iska caabin waayeen boqolaalka ciidamadda iyo dadka degaanka ee kadiyey".

"Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa gudaha degmadda ka socdey miino baaris iyo hubin si looga hortago khatar amni oo ka dhalan karta haddii taxadar la'aan la galo," ayay xuseen.

Lama ogga haddii ciidamadda hantey Aadan Yabaal ay baaqi kusii ahaan doonan maadaama horey looga bartey askarta Soomaaliya in ay dib uga soo baxaan goobaha ay gacanta ku dhigaan.

Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay Aadan Yabaal u ahayd fariisinka ugu weyn ee ay ku lahayd gobolka Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, waxaa la aaminsan yahay in ay u ahayd aag ay ka hesho dhaqaale badan kuna yaaliin "maxkamad beenaadyo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM

DP World: "Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka ma saameyn doonto shaqada dekedda Berbera"

Xaaladdan ayaa timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay gebi ahaanba xiriirkii iskaashiga u jartay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 01:37PM