Ciidamadda dowladda oo "galay" degmadda Aadan Yabaal

Image
Dadka degaanka loo bixiyey Macawiisleyda ayaa lagu waramay in ay qeyb ka yihiin howlgalkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadda dowladda federaalka oo taageero ka halaya Macawiisleyda ay "galeen" degmadda Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa maamulayey magaaladan tan iyo 2016-dii waxaana 245 KM dhanka waqooyi kaga aadan Muqdisho. Dowladda wali kuma dhawaaqin in ay si rasmi ah ula wareegtay.

Milatariga oo garab-sanaya dadka degaanka ayaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida kula dagaalamay duleedka Aadan Yabaal laba casho kahor. Wali lama ogga khasaaraha iska-hor-imaadkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalameyaasha hubeysan ay "ka hayaameen" degmadda kadib markii "ay iska caabin waayeen boqolaalka ciidamadda iyo dadka degaanka ee kadiyey".

"Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa gudaha degmadda ka socdey miino baaris iyo hubin si looga hortago khatar amni oo ka dhalan karta haddii taxadar la'aan la galo," ayay xuseen.

Lama ogga haddii ciidamadda hantey Aadan Yabaal ay baaqi kusii ahaan doonan maadaama horey looga bartey askarta Soomaaliya in ay dib uga soo baxaan goobaha ay gacanta ku dhigaan.

Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay Aadan Yabaal u ahayd fariisinka ugu weyn ee ay ku lahayd gobolka Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, waa degmadii ugu dambeysay ee ay ka haysteen gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM