DFS oo Sheekh Shariif ka hor-istaagtay in uu u socdaalo Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Axad ah waxaa lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen warar xog ogaal ah.

Shariif iyo wafdi uu horkacayey ayaa kusii jeeday magaaladda Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubbaland, si ay uga qeybgalaan caleema saarka Axmed Madoobe oo 26-ka bishan dhaceysa.

Illo wareedyo aad loogu kalsoon yahay ayaa warsidaha Garowe Online u sheegay in Shariif uu la socday diyaaradda Turkish Airlines maadaama uu dalka Turkiga ka yimid.

Xogta uu mareega GO helayo ayaa intaas ku dareysa in Shariif iyo kooxdiisa siyaasadda uu haatan shir u socda oo ay uga arrin-sanayaa is hortaaga lagu sameeyay.

Axmed Madoobe ayaa bishii August dib loogu doortay madaxweynaha dowlad goboleedkaas ee afarta sano ee soo aadan, wallow xukuumadda federaalka ay qaadacday guushiisa.

Axmed Madoobe ayaa bishii August dib loogu doortay madaxweynaha dowlad goboleedkaas ee afarta sano ee soo aadan, wallow xukuumadda federaalka ay qaadacday guushiisa.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa nan wali ka hadlin is-hortaaga lagu sameeyay socdaalka Sheekh Shariif, oo sidoo kale hogaaamiyaha xisbiga Himilo Qaran.

Hase ahaatee, talaabadan ayaa imaaneysa iyadda oo xukuumadda horey ugu amartay dhamaan diyaaradaha tegaya Kismaayo in ay soo maraan Muqdisho si hubin loogu sameeyo.

Warbaahinta maxaliga ah ee talaabadaas ku sifeysay isku day ay Villa Soomaaliya ku dooneyso in ay ku baajiso munaasabadda caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

Maamulka Kismaayo ayaa "go'doonka la geliyay magaaladaas" ku tilmaamay mid siyaasadeysan, waxayna xuseen in ay sii xumeysay xaaladaha bini'aadanimo ee degaanada Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM