Dowladda Soomaaliya oo soo warisay kiisas horleh oo ah Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 57 kiisas cusub oo ah safmareenka Coronavirus.

Balse, ma aysan soo bandhigin tiradda dadka laga baarey ee la tuhmay. Lama ogga sababta dhabta ah ee loo qariyey arrintaas oo tuhun abuurtay.

Xaaladaha cusub ayaa laga kala helay gobolka Benaadir oo ah 34, maamulka Somaliland oo ah 18 iyo dowlad goboleedka Jubbaland oo ah 5; badi shaqsiyaadkan gudaha waa la qaadsiiyey.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ee wasaaradda oo uu arkay Garowe Online, bukaanadda cusub 30 kamid ah waa Lab, Dhedigana waa 27 qof.

Xilli aysan jirin dhimasho cusub oo la diiwaan-geliyey saacadihii lasoo dhaafay, hase ahaatee, nasiib wanaag waxaa bogsatay 26 bukaan.

Tirada guud ee kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya ayaa noqotay 2,146 kadib markii lagu daray xaaladaha cusub, bogsashada guud waa 406, geerida waxay ku taagan tahay 79 maadaama aysan jirin mid cusub.

Xukuumadda ayaa joojisay shirka jaraa'id ee galab walba ay uga warbixin jirtay xaaladaha guud ee xanuunkaan dilaaga ah. Illaa iyo haatan, ma jirto sharaxaad warbaahinta laga siiyey sababta keentay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM