DF Soomaaliya oo u yeertay safiirada u fadhiya Suudaan iyo Cumaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u yeertay safiiradda u qaabilsan wadamadda kala ah; Suudaan iyo Cumaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo qoraal soo saartay ayaa diblumaasiyiinta ku amartay in ay dalka kusoo galaan muddo afar cisho ah.

Sidda ku xusan qoraalka, sababta loogu yeerayo waxay tahay in su'aallo laga waydiiyo khilaaf ka jira safaaradaha ay maamulaan.

Illaa iyo haatan ma cadda waxa uu yahay khilaafka, balse waxaa la xusay in uu la xiriiro dhanka maamulka guud iyo shaqooyinka kale.

Wararka ayaa sheegaya in safiirka Suudaan iyo lataliyihiisa gaarka ah uu dhexmaray gacan-qaad sababay waxyeelo daran.

Safaaradaha Soomaaliya ee dalalka caalamka ayaa horey warbixino soo baxay waxay qeexayaan in ay la il-daran yihiin dhaqaalo xumo.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda, oo qiray arrintaas ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in ay ku dedaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

Qoraalka wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM