DF Soomaaliya oo u yeertay safiirada u fadhiya Suudaan iyo Cumaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u yeertay safiiradda u qaabilsan wadamadda kala ah; Suudaan iyo Cumaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo qoraal soo saartay ayaa diblumaasiyiinta ku amartay in ay dalka kusoo galaan muddo afar cisho ah.

Sidda ku xusan qoraalka, sababta loogu yeerayo waxay tahay in su'aallo laga waydiiyo khilaaf ka jira safaaradaha ay maamulaan.

Illaa iyo haatan ma cadda waxa uu yahay khilaafka, balse waxaa la xusay in uu la xiriiro dhanka maamulka guud iyo shaqooyinka kale.

Wararka ayaa sheegaya in safiirka Suudaan iyo lataliyihiisa gaarka ah uu dhexmaray gacan-qaad sababay waxyeelo daran.

Safaaradaha Soomaaliya ee dalalka caalamka ayaa horey warbixino soo baxay waxay qeexayaan in ay la il-daran yihiin dhaqaalo xumo.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda, oo qiray arrintaas ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in ay ku dedaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

Qoraalka wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM