Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerarkii saldhiga Manda Bay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ku qaadey saldhig ay wada isticmaalaan ciidamada Mareykanka iyo Kenya oo ku yaala ismaamulka Lamu.

Xeradda Manda Bay ayaa tababar lagu siiyaa ciidamadda wadamada Geeska qaaradda Afrika ee loogu yeero argagixiso la dirirka.

Qoraal kasoo baxay xukuumadda Muqdisho oo uu arkay Garowe Online ayaa falkaas ku tilmaamay mid "bahalnimo ah".

War-saxaafadeedka oo gulufka ku qeexay "mid fashilmay" ayaa ku bogaadiyey ciidanka Kenya iyo Mareykanka iska caabinta duulaankaas.

"Dowlada Soomaaliya waxay xaqiijineysaa in ay ka go'an tahay in ay saaxiibadda caalamka iyo gobolka la kaashato dagaalka argagixisada gobolka iyo daafahiisa," ayaa lagu soo xiray.

Booliska Kenya ayaa soo bandhigay meydadka in ka badan shan xubnood oo ay ku sheegeen dableydii weerartay saldhiga oo watay darees ciidan.

Laamaha ammaanka oo kadib weerarka sameeyay howlgal ayaa gacanta ku dhigay shan nin oo watay walxo qarxa.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa "been abuur iyo ka bad-badin" ku tilmaamay sheegashooyin ay Al-Shabaab ka faafisay weerarka.

Weerarka lagu ekeeyay saldhiga Manda Bay ayaa yimid maalmo kadib dilkii Qaasim Suleymaani, oo ahaa taliyaha ciidamadda Quds ee ilaalada kacaanka Iran, oo Mareykanku sheegtay khaarijintiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM