Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartey Qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay, halka 20 kale uu kasoo gaarey dhaawacyo kala duwan Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Xarunta degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, Barqinimada maanta oo Axad ah.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in weerarka uu saameeyay Dugsi Quraan iyo Masaajid aad ugu dhowaa halka ay wax ka dhaceen, halka burbur xoogan uu gaarsiiyay xarunta degmada iyo Dhismayaashii ka akdhawaa halka uu Qaraxu ka dhacay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dusha saaratay masuuliyadda weerarkaan, iyada oo daboolka ka qaaday inay ku dishay Askar iyo shaqaale, iyada oo intaas ku dartay in xiliga uu weerarku dhacayey lagu waday inuu shir ka qabsoomo xarunta.

Dowlada Soomaaliya oo weerarkaan is-qarxinta ah war kasoo saartay waxay tacsi u dirtay Ehellada dadka ku dhintay, iyadoo ku eedaysay Al-Shabaab inay beegsato goobaha ay dadku isugu yimaadeen, waxayna ku baaqday in meel looga soo wada jeesto.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa wuxuu sheegay in dowladda ay ka qayb qaadan doonto Olalaha dib loogu dhisayo Dugsiga Quraanka iyo waliba Masaajidka uu Qaraxu saameeyay.

Dhanka kale, Afhayeenka Gobolka Banaadir, Saalax Xassan Cumar ayaa sheegay in weerarkaan lagu dilay 3 Askari, kuwaasoo ahaa Ilaaladda xarunta degmada Howlwadaag, wuxuuna hadalkiisa ku daray inay tiradda dhaawac ah ay intaasi ka badan tahay.

Qaraxaan ayaa imaanaya xili amaanka Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho lagu wareejiyay ciidamo Boolis ah, taasoo ka dambeysay weeraradii lagu qaaday Kontaroolka koowaad ee Villa Soomaaliya iyo waliba xarunta Wasaarada Amniga Gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM

Mucaaradka oo Ku Dhawaaqay Bannaanbax Kale oo Ka Dhacaya Muqdisho 16-ka May

Madasha Samatabixinta ayaa sheegtay in tallaabooyinkaasi ay saameeyeen nolol maalmeedka magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:19AM