Dowladda Soomaaliya oo warqad codsi ah u dirtay dhigeeda Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la ogaaday in warqad laga qariyey warbaahinta gudaha iyo dadweynaha ay u dirtay dhigeeda Kenya, taas oo ku saabsan xadgudubyada hawadda.

Warqadaas oo la diray 13-kii bishii June ee sanadkan 2020 ayaa waxay si gaar ah u kheyseysay dhacdo ay 9-kii bishaas ku lug-yeelatay diyaarad nooca xamuulka qaada ah isla markaana ku diiwaan-gishan sumadda 5YDMZ.

Diyaaradaas oo ka duushay Muqdisho ayaa u sheegtay mas'uuliyiinta in ay qof xanuunsan kasoo qaadeyso magaalada Afmadow ee Jubbaland.

Sidda uu wariyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA Soomaaliya, diyaaradda kama degin Afmadow, waxay u sii gudubtay Dhoobley oo ay kasoo qaad Khaad laga soo gudbiyey xadka Kenya, iyagoo keentay garoonka Ciisaley.

Madaarka Ciisaley oo mac-mal ah ayaa wuxuu ku yaalaa duleedka waqooyi ee magaala madaxda waddanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Intii ay xadgudubkaas ku guda jireen, duuliyeyaasha ayaa "damiyey" qalabka lagula socdo halka ay mareyso diyaaradda. Kadib markii ay maandooriyaha ka dejiyeen Ciisaley waxay dib ugu laabteen gudaha dalkooda Kenya.

Mas'uuliyiinta maamulka hawada Soomaaliya ayaa helay xogta diyaaradda iyo meesha ay Khaadka geysay, iyagoo adeegsanaya macluumaad ay ka heleen qalab kale oo ay haystaan iyo duuliyeyaal kale oo ay wada-sheekeysteen.

Sidda ay warbixinadda tibaaxayaan, warqadda ay Soomaaliya dirtay 13-kii June, 2020 ayay kaga codsatay Kenya in la eryo labadii duuliye ee wadday diyaaradii Khaadka sidda sharci-darada ah ku geysay garoonka Ciisaley.

Talaabadaan waa xeelad cusub oo xukuumadda Muqdisho ku dooneyso in ay kula dagaalanto shirkadaha ku tumanaya xayiraadaha duulimaadyada hawada ee loosoo rogay xakameynta safmareenka dilaaga ah ee Covid-19.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in dowladda ay sidoo kale dooneyso in diyaaradihii xadgudub noocaas sameeya ay ku dacweyso hay'addaha caalamiga ah ee duulimaadyadda "si looga qaado talaabo waafaqsan sharciga".

Soomaaliya ayaa haatan si buuxda u maamusha hawadeeda oo kolkii hore laga hagi-jiray gudaha Kenya, talaabadaan waxay u sahleysaa in ay meesha ka baxaan gabood-falo horey u dhici jiray, wallow fulinta ay gaabis noqon karto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM