Dowladda Soomaaliya oo xukuntay mas'uul lagu helay Al-Shabaabnimo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa saddex sano oo xarig ah ku ridday agaasimihii shaqadda gobolka Banaadir, Nuur Cali Axmed [Mahad Alle], oo lagu helay Al-Shababanimo.

Mahad-Alle, oo la xiray kadib qaraxii lagu dilay Eng Yariisow, ayaa wariyey in uu horey uga mid ahaan xoogagaas xiriirka la leh Al-Qaacida.

Wakaalada Wararka Qaranka ee SONNA ayaa baahisay in xukunsanaha uusan marin habka is-diiwaan gelinta dadka ka haray fikirka xagjirnimada ee kasoo goostay maleeyshiyaadkaas.

Wararka ayaa tibaaxaya in Mahad-Alle lagu eedeeyay "in uu fududeeyay" weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyey sideed mas'uul oo uu ku jiro gudoomiyihii gobolka ayaa lagu khaarijiyey falkaas oo ay fulisay haweenay agaasime ahayd, sidda ay xaqiijisay xukuumada.

Dhanka kale, maxkamada ayaa sii deysay Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo looga shakisanaa Al-Shabaab iyo ismiidaamintaas.

Hay'addaha ammaanka la faray in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Maxamed, oo xorriyadiisa dib u helay markii dambi lagu waayey.

Cabdullaahi waxay walaalo yihiin Basiira, oo agaasime ka ahayd gobolka isla markaana looga shakiyey in ay lug ku lahayd qaraxii gobolka oo dhacay bishii July sanadkii lasoo dhaafay ee 2019.

Mahad-Alle ma noqonayo qofkii ugu horeeyay xili xubno kale horey loo xukumay. Si lamida, waxaa la aaminsan yahay in uusan ahayn ruuxii u dambeeyay sababtoo ah waxaa jiri kara qaar dhuumaaleysi ku jooga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM