Duqa Boosaaso oo la kulmay dhigiisa Muqdisho [Qodobada ay ka hadleen]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow] ayaa kulan la yeeshay dhigiisa Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan maanta oo Arbaco.

Kulanka labadda Duq magaalo oo ka qabsoomay xarunta gobolka Banaadir gaar ahaan xafiiska Eng Yariisow ayaa diiradda lagu saarey arrimo ku xeeran amniga, adeegyadda Bulshadda iyo qodobo kale.

War-qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Yariisow ayaa lagu sheegay in qodobada ay kawada hadleen ay qayb ka ahaayeen; dadaallada loogu jiro dib u dejinta barakacayaasha, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo daris wanaagga.

“Duqa Boosaaso waxaan isla meel-dhignay Dowladaha Hoose ee dalka, si la isaga kaashado baahinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, dhisidda goleyaasha deeganka, faya dhawrka, dib u dhiska iyo dayactirka jidadka,” ayaa yiri Mayarka Muqdisho, sida laga soo xigtay bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daraya in Duqa Boosaaso uu ufidiyey Gudoomiye Eng Yariisow casuumaad ku aadan inuu booqasho ku yimaado xarunta Ganacsiga Puntland, inkasta oo aanan lagu xusin goorta.

"Gudoomiye Eng Yariisow waxaa uu ka gudoomay dhiggiisa magaalada Boosaaso martiqaad rasmi ah oo ku saabsan in uu booqasho ku tago magaaladaas oo Xarun u ah Gobolka Bari,” ayaa lagu yiri warka.

Ugu dambeyntii, Gudoomiye Eng Yariisow ayaa ugu hambalyeeyay Duqa Boosaaso, Kuxigeenkiisa iyo guud ahaan Golaha Deegaanka magaalada Boosaaso doorashadii dhawaan ay kusoo baxeen, taasi oo loolan adag ay u galeen.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka dowlad-goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe uu go'an yahay, kadib markii khilaaf siyaasadeed soo kala dhex-galay kaasi oo gaarey heerkii ugu sareeyay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Eng Yariisow ayaanan ku imaan xafiiska doorasho shacabka, balse ku yimid wareegto Madaxweyne, oo sidoo kale xilka looga qaadi karo.

Shacabka ayaa rumeysan intiisa badan in go'idda xiriirka maamullada iyo dowladda Federaalka inuu yahay mid salka ku haya arrimaha aan danaha qaranka ahayn, balse ay labada dhinac danahooda ka arkeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM