Duqayn xoogan oo ka dhacday duleedka Jowhar [Fahfaahin]

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Wararka laga helayo degaano duleedka galbeed ee degmada Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqaymo xoogan ka fuliyeen halkaasi, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga ee ku sugan gobolka ayaa u sheegay xafiiska warqabadka Garowe Online ee Muqdisho in weerarka cirka ah lagu beegsaday goobo ay ku dhumaaleystaan xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ma cada khasaaraha ka dhashay duqaynta, inkastoo mas'uuliyiinta gobolka ay tibaaxeen inay wadaan qiimayn ku aadan waxyaaladda dhabta ah oo ay geysatay duqaynta oo ay fuliyeen diyaarado joog hoose ku duulaya.

Duqayntaan ayaa waxay imaaneysaa xili dhowaan Mareykanka uu shaaciyey inuu kordhinayo weerarada cirka ah ee uu ka fulinayo Soomaaliya, kuwaasoo uu ku beegsanayo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Weeraro badan oo diyaarado fuliyeen ayaa sanadihii lasoo dhaafey ka dhacay qeybo kamid ah Soomaaliya, oo ay kamid tahay Puntland, halkaasoo Mareykanka kuu beegsaday koox xiriir la leh Daacish.

Duqayntaan xalay ka dhacday degaano Galbeedka uga beegan Magaaladda Jowhar ayaa kusoo beegmaysa xili degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka ay ka socdaan Guluf ka dhan xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacidda, ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM