Duqeyn Al-Shabaab lagula eegtay Jubada Dhexe oo laga warbixiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa Isniintii, 16-ka December 2019, duqeyn ka geysatay Jubadda Dhexe.

Sidda ay sheegtay Dowladda Soomaaliya, howlgalkaas ka dhanka ah cirka ah waxaa qayb ka ahaa ciidamo Ameerikaan ah.

Duqeynta ayaa si gaar ah looga fuliyey nawaaxiga degaanka Dujuma oo hoostaga gobolkaas ka tirsan maamulka Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu shaaciyey in weerarkaas lagu dilay dagaalame Al-Shabaab ah.

Bayaanka AFRICOM oo aan lagu fahfaahin sooyaalka dagaalamaha la dilay ayaa meesha looga saarey in uu jiro waxyeelo rayid.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan duqeyntaan oo kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa noqonaya midkii 50aad ee kaliya sanadkan ay ciidamadda Mareykanka fuliyaan gudaha dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM