Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Koonfurta gobolka Mudug

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Wararka laga helayo Koonfurta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen duleedka degmada Xarardheere, halkaasi oo ay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab.

Sarkaal katirsan ciidamada Galmudug, oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in duqeynta lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan Al-Shabaab xilli ay marayeen degaan lagu magacaabo Cadaleey, oo ku dhaw Xarardheere.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay xubno kamid ah Al-Shabaab, inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah. Weerarka ayaa loo maleynayaa inay fuliyeen diyaaradaha Militeriga Mareykanka.

Wali Al-Shabaab wax war ah kama aysan soo saarin duqeynta, oo noqonaysaa midii ugu dambeeysay oo ka dhacda Soomaaliya, oo lala eegto Kooxaha argagaxisada ka howlgala dalka.

Mareykanka ayaa ka jooga Soomaaliya Askar badan, oo saldhigyo qarsoodi ah ku leh Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo fuliyo howlgallada gaarka ee lagu khaarijinayo hogaamiyayaasha Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM