Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab oo tafaasiil laga bixiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixisay duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday Al-Shabaab.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda, howlgalka ayaa laga fuliyey nawaaxiga magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in weerarka oo Isniinta maanta ah la qaadey lagu khaarijiyey hal dagaalame oo ka tirsanaa ururkaas

Dhanka kale, qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa tilmaamay in duqeyntaas aysan khasaaro kasoo gaarin shacab.

AFRICOM ayaa daaha kaga rogtay in ay sii wadayaan beegsiga maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeyntaas oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka xoogaga Al-Shabaab.

Todobaadkii hore, duqeyn ka dhacday agagaarka degaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose lagu dilay saddex dagaalame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM