Duulimaadka Gudaha Soomaaliya oo dib u billowday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah dib u fasaxday duulimaadyada gudaha dalka, kadib ku dhawaad 4 bilood oo u xirnaa sababo la xiriira xakameynta Covid-19.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda, oo uu kamid yahay Mahdi Maxamed Guuleed, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde, oo looga dhawaaqayay dib u furida duulimaadka gudaha.

Saraakiisha duulista, ayaa sheegay in lix diyaaradood maanta ay ka duuleen Garoonka, kuwaasoo kala aaday qaar kamida gobolkada dalka, iyagoo rakaab sida. Waxaa la amray diyaaradaha inay sameeyaan taxadir la xiriira COVID-19.

Inkasta oo ay socdaan qorsheyaal arrintaas la xiriira iyo wadatashiyo ay madaxda sarre ka leeyihiin, wali waxaa xiran duulimaadka caalamiga, oo aan la ogeyn goorta dib loo furi doono.

Golaha Wasiiradda ayaa todobaadkii hore meelmariyey in dib loo furo duulimaadyadda gudaha kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Duulista Hawada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in kaliya loo ogol yahay dowlad goboleedyadda in maalintii ay tagto hal diyaarad oo kaliya "inta laga xaqiijinayo xaaladaha Coronavirus".

Madaxda dowladda ayaa xayiraada duulimaadyada gudaha ka leh dano siyaasadeed oo ay ku cadaadinayaan maamul goboleedyadda kaga aragtida qabsoomida doorashooyinka 2020-21 iyo muddo kororsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM