Duuliyaha diyaaradii shilka ku gashay Aadan Cadde oo la baarayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlihii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa si caadi ah dib ugu soo laabanaya kadib shilkii diyaaradii ee galabnimadii Arbacadda ka dhacay madaarka.

Shilka oo aanan geysan wax khasaaro ah - dhimasho ama dhaawac - ayaa waxaa sababtay diyaarad nooca xamuulka ah taasoo ay lugaha u bixi waayeen.

Duuliyaha ayaa kadib dhacdadaas waxa uu si nabdoon xabadka dhulka ugu dhigay dhabaha ay diyaaraduhu cago dhigtaan.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxay sababta keentay in ay diyaaraduhu cagaha ugu soo bixiyaan, kuwaasi oo la baarayo.

Illo wareedyadda koowaad ayaa waxay ku sharaxayaan in ay la xiriirto in ay siday xamuul badan oo lagu sheegay 9 Megatonne.

Diyaaradaha xamuulka ah ayaa kaliya loogu talogalay 7.5 Megatonne. Hadii ay timaado in la saaro rarar tankiisu yahay 9 Megatonne waxay ka dhigan tahay in lagu rarar xad ka dhan inta loogu talogalay.

"Diyaaradda ayaa kusii jeeday magaaladda Diinsoor ee gobolka Bay," ayay yiraahdeen illo wareedyadda koowaad oo u waramay GO. Lama oggaan wali shirkadda iska leh diyaaradda.

Dhinaca kale, dhowr qof oo xog ogaal ah ayaa waxay daboolka ka qaadayaan in mas'uuliyiinta ay sidoo kale baaritaan ku bilaabeen duuliyihii diyaaraddaas.

"Baaritaanka ayaa ku qotomo suurtogalnimadda in uu shilku ku yimid qaladad uu sameeyay duuliyaha," ayay hadalkooda kusii dareen, iyaga oo codsaday in aan magacyadooda la adeegsadan.

Madaarka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho ayaa maalin walba waxaa ka duula tobanaan diyaarad, oo isugu jira heer maxali ah iyo caalami ah una kala goosha dalalka caalamka iyo gobolada waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM