Ehelada dadka ay ciidamada AMISOM dileen oo cadaalad dalbaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan ruux ayaa ku dhimatay, tirro kalena wax ku dhaawacantay ka gedaal markii ciidamada AMISOM ay rasaas ooda uga qaadeen xili ay ku sugnaayeen Isgoyska Ex-konrtool Balcad ee duleedka Koonfur-bari ee Muqdisho, Barqinimada maanta ah.

Rasaasta dhimashada iyo dhaawaca keentay ayaa timid markii ciidamada Nabad-illaalinta lagu eegtay halkaasi saddex Qarax, kuwaasi oo wadada dhinaceeda lagu aasay, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Lama hubo hadii ay waxyeelo kasoo gaartay ciidamada weerarkaan, inkasta oo goobjoogayaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online inay arkeen burbur soo gaarey qayb kamid ah gaadiidka gaashaaman ee AMISOM.

Isku-soo-bax balaaran oo ay kasoo qayb-galeen dadwayne ka careysan dhibtaan ayaa laga soo wariyay meesha ay wax ka dhaceen oo ah degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir, kaasi loosoo horjeedo ciidamada AMISOM, laguna dalbanayey jawaab.

Eheladda dadkii ay laayeen ciidamada Midowga Afrika oo saxaafada usoo bandhigay meydadka ayaa dalbaday "cadaalad" iyaga oo ku tartarsiiyay dowladda haatan jirta inay "xuquuqdooda usoo dhiciso".

“Hadii ay dowladdu noosoo dhici waydo xaqeena, ciidamada AMISOM waan la dagaalameynaa,” ayuu yiri mid kamid ah ehalada dadka la dilay, kuwaasi oo dhamaantooda ahaa rag.

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dhacadaan ku lug-yeeshay ayaa kasoo hojeeda wadanka Uganda, iyaga oo inta badan cadeeysta dhibaatateynta Shacbiga Soomaaliyeed, xili dowladda aaney waxba ka qaban dhacdooyinka qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM