Yariisow oo lagu xusayo baroor-diiq iyo Calanka oo hoos loo dhigayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho.

Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow] ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaarey weerar bishii hore lagu qaaday xafiiskiisa kaasi oo ay Al-Shabaab dusha saaratay.

Ku dhowaad 10 qof oo ay ku jiraan Eng Yariisow iyo gudoomiyeyaal degmo ayaa ku naf-waysay dhacdadaasi oo loo adeegsaday is-miidaamin "ay fulisay haweenay aragga la".

Farmaajo ayaa faray in calanka hoos loo dhigo dhamaan hay'addaha kala duwan ee dowladda, isaga oo shaaciyey in duqa caasimadda loo baroor-diiqayo muddo saddex casho ah.


WAR-SAXAAFADEEDKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow) oo goor dhaw ku geeriyooday dalka Qatar.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow), Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho. Marxuumku waxa uu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo ka soo qayb qaatay dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya xilliyo kala duwan.”

“Waxaa lagu xasuusan doonaa sidii hagar la’aanta ahayd ee uu ugu khidmeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo dadaalkii uu geliyay horumarka magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka argagaxisada oo uu ka qaatay dowr muuqda.“

Madaxweynaha ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda inta lagu jiro baroordiiqda Guddoomiyaha oo soconaysa muddo 3 cisho ah

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannada Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun


Sikastaba, marxuum Eng Yariisow oo ku dhowaad tobban sano ku jiray siyaasadda Soomaaliya ayaa soo qabtay xilal muhiim ah sida Wasiirka Warfaafinta iyo jagooyin kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM