Ergayga Qatar oo ku fashilmay la kulanka madax sar-sarre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Inkasta oo uu fursad u helay inuu la kulmo dhowr hoggaamiye oo ka socda Soomaaliya, haddana wakiilka Qatar ee waaxda arrimaha dibadda Mutlaq Al-Qahtani waxaa laga yaabaa in uusan si dhameystiran u fulin qorshihii uu damacsanaa, iyadoo la ogyahay in madax badan oo sare ay diideen la shirkiisa.

Diblumaasigan ayaa waxaa soo dirtay Doha si uu u qaboojiyo dhibaatada Soomaaliya oo waji cusub yeelatay ka dib markii Farmaajo uu ogolaaday inuu wadahadal la yeesho xubnaha mucaaradka, isagoo si hufan uga tanaasulay muddo kordhintiisa.

Laakiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ma aysan kulmin Mutlaq Al-Qahtani illaa iyo hadda taasoo qorshihii uu u yimid gudaha Soomaaliya ka dhigeysa ​​"mid aan miradhalin".

"Waxaa jiray talo soo jeedin ah inuu la kulmayo Saciid C/llaahi Deni iyo Axmed Islaam Maxamed Madoobe oo kala jooga Garoowe iyo Kismaayo, ka horna, waxaa jiray talo soo jeedin ah inuu kula kulmayo labada hoggaamiye maamul ee awoodda badan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya," sidaas waxaa GO u sheegay illo loo qaateen ah.

Xafiisyadda labada hogaamiye ayaa iska fogeeyay sheegashooyinkaas, waxaana ay intaas ku daray in aysan jirin qorshe dhow oo mas'uul reer Qatar ah wadaxaajood kala yeeshaan xaalka Soomaaliya.

"Waxay si aad ah uga hadlayeen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Weli ma cadda sababta ay labada hoggaamiye ee xubinta ka ah dowladda Federaalka - Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe - ula kulmi waayeen wakiilka Qatar oo muddo toddobaad ku dhow ku sugan magaalada Muqdisho oo uu u joogo howlo lagu dhexdhexaadinayo siyaasadda hadda jirta," ayay ku dareen illo wareedyadda oo magacyadooda uga gaabsaday in aan loo ogoleyn la hadalka warfidiyeenka.

Qadar waa mid ka mid ah wadamada Khaliijka ee sida gaarka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya, balse hoggaamiyeyaasha mucaaradka dalka waxay ku dhaleeceeyaan qaabka ay u wajahdo.

Tan iyo 1-dii May, Al-Qahtani wuxuu wadahadallo la yeeshay cutubyo kamid ah daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya. Qaar ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa si cad u diiday inay la kulmaan ergayga, iyagoo ku doodaya "ilaa Qadar ay joojiso faragalinta siyaasada Soomaaliya ee ka baxsan xuduudaheeda".

Musharixiinta mucaaradka ayaa horey ugu eedeeyay Qadar in ay wiiqeyso dadaalada socda ee lagu xalinayo is-mari-waaga doorashada ee wadanka. Waxayna si joogto ah uga codsadeen Qadar inay joojiso faragelinta ay ku hayso siyaasada arimaha gudaha ee Soomaaliya, "taas oo marba marka kasii dambaysa sii xumaanaysa".

Waftiga Qatar ee uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee Qatar Al-Qahtani ayaa Sabtidii booqasho rasmi ah oo aan rasmi ahayn ku tagay wadanka ku yaala geeska Afrika, waxayna wadahadalo laba geesood ah la yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Doha ayaa lagu eedeeyay in si weyn u taageerto madaxweynaha xilka sii haya ee hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse dowladda Carbeed w ayiska fogeysay sheegashadaas.

Waxaa sidoo kale jira eedeymo ka dhawaajinaya in Qatar ay taageerto rabshadaha ka dhanka ah dadka dhaleeceeya Farmaajo, oo waqtigiisu uu dhacay Febraayo 8.

Horraantii toddobaadkan, Farmaajo ayaa sidoo kale wuxuu wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar Sheikh Tamim ,iyadoo wadaxaajoodyadda ay ku saabsanaayeen xiriirka labada dal u dhexeeya. Qatar iyo Turkiga ayaa saameyn ballaaran ku leh maamulka hadda ka jira Soomaaliya, tallaabadaas oo inta badan cabsi gelisa mucaaradka waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM