Ergaygii hore ee UN-ka u qaabilsanaa Soomaaliya oo geeriyooday

Image

DODOMA, Tanzania – Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahiga, ayaa geeriyooday kadib xanuun kusoo booqdey, sidda ay ku dhawaaqdey dowladiisa Tanzania.

Mahiga ayaa intii u dhaxeysa sanadihii 2010 illaa iyo 2013 wuxuu ahaa wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa u fadhiyey magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

Waqti xaadirkaan, Mahiga ayaa wuxuu ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee xukuumadda fadhigeedu yahay Dodoma.

War-saxaafadeed kasoo baxay John Magufuli, madaxweynaha Tanzania, ayaa tacsi tiiraanyo leh loo diray qoyskiisa iyo asxaabtiisa.

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, Magufuli ayaa aad uga murugooday geerida lama filaamka ah ee ku timid Mahiga.

Warbaahinta Tanzania ayaa ku warantay in Augustine Mahiga uu aroornimadii Jimcadda maanta ah ku dhintay Isbitaalka oo loola cararay markii uu xanuun kusoo boodey isagoo gurigiisa jooga.

Illaa iyo haatan, lama fahfaahin nooca cudurka uu u geeriyooday. Balse, waxaa dalkaas laga helay kiisas oo ah safmarka Coronavirus.

Augustine Philip Mahiga oo dhashay 28-ka bishii August ee sanadkii 1945 ayaa ahaa diblumaasi heer sarre. Intii u dhaxeysay sanadihii 2015-kii illaa iyo 2019-kii, wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM