EU-da oo ka falcelisay dib-u-dhigista warbixinta guddiga doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga ururka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Nicolas Berlanga, ayaa wuxuu ka falceliyey dib-u-dhaca ku yimid waqtigii guddiga doorashooyinka hortagi lahaa baarlamaanka federaalka.

Berlanga oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa walaac ka muujiyey waqtiga cusub ee loo muddeeyay kooxda maamuleysa coddeynta.

Diblumaasigan kasoo jeeda dalka Spain ayaa wuxuu su'aal geliyey in taariikhda cusub ee guddiga loo qabtay lagu shaacin karo doorasho xiliggeeda dhacda.

"Midowga Yurub wuxuu walaac ka muujinayaa suurtagalnimo cawaaqibka waqtiga cusub ee guddiga doorashooyinka kasoo muuqan doono baarlamaanka in ay ka dhalan karto doorasho waqtigeeda ku qabsoonta," ayuu yiri.

Bisha soo aadan ee June 27-deeda waa taariikhda la filayo in Guddiga ay madaxda u tahay Xaliima Yarey ay hortagaan labada aqal. 27-da bishaan May ayaa kolkii hore qorshuhu ahaa in ay soo bandhigaan warbixinta.

Warbixintooda ayaa ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta 2020-21 iyo qaabka ay ugu diyaarsan yihiin in ay qabtaan coddeynta.

Sidoo kale, waxaa dib loo dhigay waqtigii uu furmi lahaa kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka oo loo muddeeyay 7-da bisha June, 2020. Ma cadda sababta keentay baaqashada, wallow aragtiyo kala duwan laga dhiibtay.

Siyaasiyiin ayaa rumeysan in ay qayb ka tahay qorshaha dowladda madaxweyne Farmaajo dooneyso in ay muddo kororsi ku sameysto, talaabadaas oo ay si weyn uga dhigeen, iyagoo tibaaxay in aysan ogolaan doonin.

Mowqifka uu EU-da iska taagay arrintaan ayaa xoojineysa baahida isa soo tareysa ee loo qabo in xal deg-deg ah iyo wadahadalo ay hogaamiyeyaasha siyaasada ka gaaraan mar-xalada kala guurka ah ee wadanka uu galay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM