Madaxda Soomaalida oo loo digay kahor shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub ayaa digniin u diray hogaamiyeyaasha Soomaalida kahor shirka xalka loogu goobayo khilaafka doorashooyinka ee loo balansan yahay 20-ka bishan May, 2021-ka.

Dhawaqa Nicolas Berlanga ayaa yimid ka gedaal markii uu Talaadada maanta ah Muqdisho uu kaga qeybgalay kulan wakiilada Beesha Caalamka la qaateen ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

Xafiiska Rooble oo qoraal kooban kasoo saarey kulanka ayaa yiri: "Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble ayaa xafiiskiisa kula kulmay qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, diyaar garowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo taageerada beesha caalamka ee geeddi socodka doorashooyin dalka".

Rooble ayaa iclaamiyey kulanka 20-ka May, 2021 kaasoo ah "fursada kaliya" ee u hartay Soomaalida in ay uga heshiiyaan is-mar-waaga daba-dheeraadey ee doorashooyinka waqtigooda lasoo dhaafay.

Sida uu aaminsan yahay Berlanga oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee mareegga Twitter-ka una muuqdey mid ka digay in uu fashilmo shirka, ma jirto cid is-hortaagi karta heshiis laga gaaro coddeynta.

"Waad ku mahadsan tahay PM Rooble inuu maanta la shiray daneeyeyaasha Soomaaliya. Kaalintiisa dhisida kalsoonida waa mid muhiim ah. Dhacdooyinkii usbuucyadii la soo dhaafay waxay muujinayaan shir-madaxeedka soo socdaa inuu yahay fursadda keliya ee hartay ee lagu muujiyo sida looga go’an yahay mustaqbalka Soomaaliya. Cidna ma ahan in ay kharibto ama ay is-hortaagto heshiis," ayuu diblumaasigan u dhashay waddanka Spain uu ku yiri qoraalkiisa aadka looga falceliyey.

Shirka loo balansan yahay 20-ka May, 2021 ayaa waxaa naga xigta laba casho oo qura illaa haatana wafuuda madaxda maamuladda sooma gaarin caasimada Muqdisho mana laga horudhici karo masiirka kulanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM