Faahfaahin: Khasaaraha Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Fahafaahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax loo adeegsaday gaari walxo qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay barqadii maanta inta u dhaxeysa taalada Daljirka Daahsoon iyo xaruntii hore ee Baarlamaanka Somalia ee Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulah oo goobta Shir jaraa'id ku qabtey ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen labo qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen shan kale oo shacab ah.

Tuulah ma uusan fahfaahin bartilmaameedka weerarka iyo waxa ay kala yihiin labada ruux ee ku geeriyoodey qaraxa gaari, kaasoo wararku ay sheegayeen inuu ka dhacay meel ku dhaw Taaladda Daljirka Dahsoon.

Qaraxa ayaa dhalilal dab xooggan oo qabsaday dhowr gaari oo taallay Kaalin Shidaal oo goobta ku dhawayd, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada amniga ay wadaan baaritaan ku aadan falkan.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa looga bartay falal noocaan ah oo ka dhaca caasimada Somalia.

Amniga ayaa kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay ku guuldareystay xukuumada Xasan Cali Khayre inay wax ka qabato, iyada oo mudii ay jirtay ay magaala madaxda martigelisay weeraro dhimasho badan.

Bishii October ee sanadkii 2017, waxaa Isgoyska Zoobe ee Muqdisho ka dhacay weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya iyo caalamka, kaasi oo ay geysteen kooxaha argagaxisada, iyada oo lagu dilay in ka badan 500 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM