FAALO : Laalidda doorashadii Galmudug: Go’aan sharci mise loollan siyaasadeed?
FAALO | MUQDISHO — Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa laashay natiijadii doorashooyinka isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka Galmudug, kuwaas oo 30-kii Luulyo lagu qabtay nidaamka doorashooyinka aan la isku raacsanayn ee ay waddo Dowladda Federaalka waqtigeedu dhammaaday.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in doorashooyinka aan loo maamulin si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka, isla markaana khaladaadkii dhacay ay dhaawaceen hufnaanta, xorriyadda iyo xalaalnimada codbixinta.
Maxkamaddu waxay amartay in doorashooyinka dib loogu celiyo waqtiga ugu dhow, halka hay’adaha Galmudug ee hadda jira ay shaqada sii wadi doonaan ilaa laga soo dhisayo kuwo cusub.
Hase yeeshee, go’aanku ma faahfaahin khaladaadka gaarka ah, goobihii ay ka dhaceen iyo sababta xal looga gaari waayey iyada oo aan la baabi’in codadkii ay dhiibteen ku dhowaad 198,000 qof.
Maxaa ka dambeeya falcelinta?
Doorashada la laalay waxaa si weyn ugu guuleystay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP, oo xiriir la leh madaxda Dowladda Federaalka waqtigeedu dhammaaday. JSP wuxuu helay 63 ka mid ah 89-ka kursi ee Golaha Wakiillada iyo 115 kursi oo goleyaasha deegaanka ah.
Natiijadaas waxay waddada u xaareysay in Liibaan Axmed Xasan “Shuluq,” oo Villa Somalia taageeraysay, loo doorto madaxweynaha Galmudug. Laalidda natiijadu waxay hadda hakisay qorshahaas, waxayna dib u furtay loollanka hoggaanka Galmudug.
Xisbiga Towfiiq, oo dacwadda ka gudbiyey natiijada, ayaa soo dhoweeyey go’aanka, isagoo horay guddiga doorashada ugu eedeeyey musuqmaasuq, cabsi-gelin iyo in wakiilladiisa laga hor istaagay qaar ka mid ah goobaha codbixinta.
Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa go’aanka ku tilmaamay “dulmi” aan sax ahayn oo aan la aqbali karin.
Tuhunnada siyaasadeed
Doodaha baraha bulshada iyo warbaahinta Soomaalida waxay diiradda saarayaan khilaafka ka dhex jira Villa Somalia, Agaasimaha NISA Mahad Salaad iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ee la xiriira qofka hoggaaminaya Galmudug.
Qaar waxay rumeysan yihiin in dib-u-celinta doorashadu waqti dheeraad ah siinayso dhinacyadaas si ay uga gaaraan heshiis cusub musharraxa madaxweynaha. Qaar kalena waxay ku doodaan in laaliddu qayb ka noqon karto qorshe lagu dheereynayo jadwalka doorashada Galmudug, maadaama ay xiriir la leedahay doorashooyinka federaalka.
Su’aasha ugu weyn ee dhalisay falcelinta ayaa ah sababta loo laalay doorashada Galmudug, iyadoo dadka dhaliilsan go’aanka ay sheegayaan in nidaam la mid ah kii Galmudug lagu qabtay doorashadii Baydhabo ee Aadan Madoobe lagu doortay, taas oo Maxkamadda Sare aysan waxba kama jiraan ka dhigin.
Sidaas darteed, muranku kama taagna oo keliya khaladaadka doorashada. Wuxuu ku saabsan yahay cidda ka faa’iidaysanaysa dib-u-celinta, mustaqbalka Liibaan Shuluq iyo in Maxkamaddu si isku mid ah ula dhaqmayso doorashooyinka aan la isku raacsanayn ee Dowladda Federaalka waqtigeedu dhammaaday ka waddo dalka.
GAROWE ONLINE