"Faan" kasoo yeeray Farmaajo kuna saabsan doorashada oo la naqdiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa looga jawaabay hadalo "faan ah" kuwaasoo uu ku duray dhinacyadda kasoo horjeeda maamulkiisa waqtiga gabaabsiga ka yahay.

Isagoo todobaadkii hore ka hadlayey munaasabad lagu qabtay Villa Soomaaliya, madaxweynaha wuxuu sheegay in mucaaradka codsanayo in waqti lagu daro doorashada "maadaama aysan u diyaar-saneyn tartanka".

Hadalkaas kasoo yeeray madaxweynaha wuxuu yimid maalmo kadib markii shaqsiyaadka ay maalgeliso Villa Soomaaliya ay baraha bulshadda ku faafiyeen in Farmaajo lagu wargeliyey "diyaar-garow la'aanta mucaaradka".

Sheekadaas waxaa soo gabaabeeyay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, kaasoo carabka ku adkeeyay in ay diyaarsan yihiin lana bartami doonan hogaamiye Farmaajo.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in isku abaabuli karaan saddex bilood ee ka hartay doorashooyinka.

Muddo xileedka baarlamaanka haatan jooga wuxuu dhacayaa November, 2020, halka xukuumadda uu ka dhamaanayo Febraayo sanadka dambe 2021.

Sidda laga soo xigtay heshiiska doorashada ee dowladda iyo maamuladda, waxaa shaqada u diyaar-garowga coddeynta bilaabaneysaa 1-da November.

"Habeen dhaweyd madaxweynaha waa yara faantamay wuxuu yiri 'nimankii mucaaradka waxay leeyihiin doorashada waqtiga ha lagu daro sababtoo ah ayaga diyaar maahan buu yiri'; hadaad dhageysaneyseen iyo hadii kale. Marka waqtiga waa na haayaa diyaaraa u nahay, hadaan nahay, berriyaa nahay. Waa dadkii hadda kahor madaxweynaha Puntland sheegay '[shirkii] Dhuusamareeb in saddex maalmood sidaas loogu diyaarin karo uma maleynaynin'. Saddex biloodaa hadda haysanaa dad wax diyaarin kara oo socon kara oo Soomaali u tagi karana waan nahay," ayuu ka sheegay kulan lagu taageerayay kana dhacay Muqdisho.

Nooca doorashadda soo aadan waa mid dadban taasoo la macno ah in codad kala iibsasho, musuqmaasuq iyo awood sheegasho siyaasadeed ay ka dhici karta soo xulista baarlamaanka 10aad iyo waliba coddeynta madaxtinimadda.

Villa Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa sidii uu kursigiisa u difaacan lahaa Farmaajo oo ku fashilmay in uu dhaqan-geliyo balanqaayadiisii ay kamid tahay ammaanka, xasiloonida siyaasadeed iyo qabashadda coddeynta ku dhisan qof iyo cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM