Fadeexada sababtay is-casilaada wasiirka caafimaadka UK

Image

LONDON, UK - Matt Hancock ayaa iska casilay xilka xoghayaha caafimaadka boqortooyadda Ingiriiska kadib markii uu ku xadgudbay shuruucda kala fogaynta bulshada isagoo dhunkaday saaxiibadiisa Gina Coladangelo.

Waraaq uu u diray ra'iisal wasaaraha ayuu ku sheegay "in dowlada marka shacabka ay naftooda u huraan la tacaalida musiibadan aysan dhankooda meesha ka saari karin daacadnimadda".

Boris Johnson wuxuu sheegay inuu ka xun yahay inuu aqbalo is-casilaada oo kusoo hagaagtey markii ay soo ifbaxeen sawirro laga qaadey wasiirkii hore iyo saaxiibadiis Coladangelo 16-ka bishii May.

Mr Hancock ayaa tan iyo markii ay kusoo baxdey fadeexadaas waxaa saarnaa cadaadis ah inuu shaqada ka tago. Majaladda The Sun ayaa daabacday sawirrada Mr Hancock iyo Ms Coladangelo, oo labaduba leh saddex carruur ah, oo dhunkanaya. Wargeysku wuxuu sheegay in la geeyay gudaha Waaxda Caafimaadka.

Xubnaha Xisbiga Tory, kan shaqaalaha ee Labour-ka iyo kooxda la tacaalida Covid-19 ee u baroor-diiqaya dadka eheladooda dilay cudurka waxay ku baaqeen in xoghayaha caafimaadka la ceyriyo.

Tifaftiraha arrimaha siyaasada ee BBC-da Laura Kuenssberg ayaa sheegtay in xafiiska ra'iisul wasaaraha uu carabka kua dkeeyay in Mr Hancock uu si shaqsiya isu-casilay kuna imaan cadaadiska wasiirka koowaad.

Kuenssberg ayaa waxay rumeysan tahay in Ms Coladangelo ay sidoo kale ka tagayso kaalinteedii ahayd agaasimaha fulinta qeyb kamid ah Wasaaradda Caafimaadka.

Isla gudaha waraaqdiisa iscasilaadda, Mr Hancock ayaa wuxuu mar kale ku celiyey in uu raali-gelin buuxda ka bixinayo "jabinta shuruucda xakameynta", isaga oo dhambaalka cudurdaarka u diray dadweynaha Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM