Fahad Yaasiin Daahir oo magacaabay bedelka Kulane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa lagu waramay in uu magacaabay bedelka Cabdullaahi Aadan Kulane kaasoo todobaadkii hore uu eryay ra'iisul wasaarahq xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay xaqiijinayaan warbixinadda soo baxaya kuwaasoo Garowe Online u xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo kala duwan kuna dhow xafiiska agaasimaha, Cabaas Yacquub ayuu Fahad u xushay in uu noqdo bedelka Kulane.

Cabaas oo kamid ahaa hogaanka sarre ee hay'adda hadana noqonaya agaasime ku xigeenka hay'adda ayaa si gaar ah wuxuu madax ka ahaa qeybta Maamulka, Maaliyadda iyo Tiknoolijiyada.

"Sidoo kale, Cabaas waa ninka loo badinayo inuu noqon doono Kusimaha Agaasimaha Hey’adda NISA, marka uu xilka xilka banneeyo Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu doonan rabo kursi Xildhibaan si uu xasaanad ugu helo haddii Farmaajo dib loo dooran waayo," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Kursiga Xildhibaanimada ee Fahad damaca uga jiro waxaa degaan doorashadiisu tahay HirShabelle gaar ahaan magaaladda Jowhar, waxaana hadda ku fadhiya Faarax Cabdulqaadir, mid kamid ah xulafada Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee dalka.

Kaliya ma ahan Fahad Yaasiin shaqsiyaadka Xildhibaanimada u goobaya in ay isku ilaaliyaan haddii Farmaajo dib loo dooran waayo, waxaa kamid ah in ka badan 10 sarkaal kale oo kamid ah NISA kuwaasoo kasoo kala geli doona maamulada taabacsan dowladda.

Saraakiishan uu kamid yahay Kulane ayaa ka cabsi qaba in ay wajahaan maxkamadeyn haddii Farmaajo ku fashilmo difaacashadda kursiga "maadaama ay wajahayaan eedeymo kala duwan oo isugu jira tacadiyo bini'aadanimo iyo weeraro ka dhan ah madax iyo siyaasiyiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM