Fahad Yaasiin iyo James Swan oo kulmay xilli ay jirto xiisad siyaasadeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, iyo wakiilka Qaramadda Midoobay, James Swan, ayaa waxaa lagu waramay in ay saacadihii lasoo dhaafay ku kulmeen xerada Xalana ee Muqdisho.

Fahad iyo Swan ayaa la sheegay in ay kawada hadleen arrimo ay kamid tahay doorashooyinka qorshuhu yahay in ay dhacaan 2020-21 balse shakiga weyn laga muujinayo, amniga iyo la dagaalanka xoogaga Al-Shabaab.

Ma jiro fahfaahin rasmi ah oo labadda dhinac ay kasoo saareen kulaka oo kusoo aadaya xilli xaalada siyaasadeed ee dalka ay tahay mid kacsan isla markaana aysan caddeyn qaabka dalka uga baxayo mar-xalada kala guurka.

Xiriiro lala sameeyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya gaar ahaan waaxda warfaafinta ama warbaahinta si wax looga waydiiyo fahfaahinta iyo ajendaha kulanka lama jawaabin wicitaanka.

Sidda ay xaqiijiyeen dhowr illo wareed, Fahad waa gacanta midig ee madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay in uu keenay dhaqaalihii uu madaxtinimadda ku helay doorashadii Febraayo, 2017-kii.

Siyaasiyiinta mucaaraadka oo ka digay muddo kororsi ay sameystaan madaxda talada haysa ayaa ku qeexay Fahad Yaasiin "wakiilka Qadar u qaabilsan siyaasadda Soomaaliya isla markaana uu fuliyo danaheeda gaarka ah".

Beesha Caalamka ayaa horey ugu adkeysatay in ay muhiim tahay doorashada aysan dib uga dhicin waqtiga dastuurka u asteeyay oo ah 8-da Febraayo sanadka 2021. Sidoo kale, waxay soo jeediyeen in ay noqoto mid loo dhan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM