Fahad Yaasiin oo qorshe ka dhan ah JL iyo Galmudug u tegay Itoobiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ku simaha taliyaha sirdoonka Soomaaliya ayaa wuxuu todobaadyadii ugu dambeeyay dhowr jeer u socdaalay magaaladda Addis Ababa, caasimadda waddanka Itoobiya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyey in ujeedada booqashooyinka Fahad ay tahay sidii ay ciidanka Itoobiya qayb uga noqon lahaayeen farogelin ay dowladdu ku sameyso doorashooyinka Galmudug iyo Jubaland.

Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa daboolka ka qaaday in mudadii uu Itoobiya ku sugnaa uu Fahad Yaasiin la shiray "saraakiil sarre oo ka tirsan sirdoonka Milateriga Itoobiya".

"Wiilku wado musuq ah ayuu ku raadinayaa in ciidan Itoobiya Dhuusamareeb la geeyo, kuwa Kismaayo ku suganna ay afduubaan doorashada Jubaland sidii Baydhabo oo kale," ayuu hadalkiisu ku daray.

Ciidamada dalka aan badda lahayn kaga sugan Soomaaliya ayaa qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, kaasoo sarkaalka ugu sareeya uu yahay Jenaraal Itoobiyaan ah.

"Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya faraha kala baxdo," ayuu raaciyey siyaasiga, sidda ku cad qoraal uu soo dhigay bogaga uu ku leeyahay baraha bulshadda.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo aad ugu mashquulsan gacmagacmeynta dowlad goboleedyadda ayaa dooneysa in maamuladaasi oo doorashooyin ay kusoo food-leedahay ay kusoo baxaan siyaasiyiin daacad u ah.

"Shacabka Soomaaliyeed waxaa dhib ugu filan farogelintii qaawnayd ee ay kula kaceen doorashadii madaxtinino ee 2017-kii iyo tii Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee ay Baydhabo 2018-ka gaysteen," ayuu daba dhigay.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo December 2018 waxay xabsi dhigeen Mukhtaar Roobow oo xiligaasi murashax u ahaa doorashada Koonfur Galbeed, kadib markii uu diiday dalab uga yimid xukuumada.

Kadib xariga Abuu Mansuur, banaanbaxyo waaweyn oo magaalada gilgilay ayaa sababay geerida dad uu ku jiro Xildhibaan, waxaana ku dhaawacmay tobanaan kale, xili dowladdu shaacisay in ay magdhow ka bixineyso.

Talaabadaasi oo hay’addaha caalamka sida Qaramada Midoobay iyo wadamo kale ay cambaareeyeen ayaa soo dedajisay in wadanka laga eryo wakiilkii UN-ka markii uu dowladdu ka codsaday in ay sharaxaad ka bixiso dhacdooyinkaasi.

Dhaqdhaqaaqyada Fahad Yaasiin, oo ah gacanta midig ee Farmaajo, ayaa imaanaya iyada oo ay bilooyin ka harsan tahay doorashada Jubaland oo Villa Soomaaliya xusul-duub ugu jirto in ay ka takhalusto Axmed Madoobe.

Fahad Yaasiin ayaa inta badan is-qariya xiliyada uu safarada dibada aadayo iyo goorta uu soo laabanayo, waxaana la sheegaa in uu yahay ninka ugu saameynta badan dowlada Farmaajo markay timaado go'aan qaadashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM