Fahfaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax Gaari oo maanta oo Khamiis ah ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha, dhinaca degmada Waaberi ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay walxo qarxa oo lagu soo xiray gaariga ayaa waxaa ku dhaawacmay kaliya shaqsigii la socday, kaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cismaan Dheere, oo ah Agaasime qaybeed ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Goobjooge ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Cismaan uu dhaawac kasoo gaarey qaybaha hoose ee jirkiisa, isagoo la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada.

Cismaan ayaa dhaawac culus kasoo gaare qaraxa lagu qariyay kursiga Gaarigii uu watey, oo ahaa nooca HARRIER ah, kaasoo ku qarxay degmada Waabari, gaar ahaan Waaxda 1 March saacadihii hore ee saaka.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa looga bartay falalka noocaan ah ee lagu beegsanayo shaqaalaha dowladda, Saraakiisha ciidamada iyo Xildhibaanada.

Sabtidii lasoo dhaafayay ahayd markii weerar ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya lagu dilay ku dhowaad 30 ruux oo ku jiro Wariye Cawil Daahir Salaad oo kamid ahaa shaqaalaha Universal Tv.

Saddex maalin kahor, Isniintii, waxaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu dilay shaqaale ka tirsanaa Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, kaasi oo si lamid ahaa macalin wax ka dhiga Jamaacado ku yaala caasimada.

Amniga Muqdisho ayaa umuuqda mid faraha kasii baxaya iyadda oo Xeel-dheerayaasha amnigu ay sheegayaan inay taasi uwacan tahay markii dowlddu ku mashquushay siyaasadda, ayna dhinaca isaga dhigtay nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM