Fahfaahin ku saabsan qaraxii ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax culus oo ka dhacay isgoyska Taleex ee bartamaha magaaladda Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay kaasi oo ku qarxay bartamaha isgoyska, oo ah mid mashquul badan.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya gaariga qaraxa dhaliyay oo dab xoogan uu qabsaday.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaa in ay ka dhalatay dhacdadaan, inkasta oo aanan wali la xaqiijin.

Ma cadda halka uu ahaa bartilmaameedka weerarka, kaasi oo illaa iyo haatan aanan jirin kooxda dusha saaratay mas'uuliyadiisa.

Ciidamada amaanka oo halka ay wax ka dhaceen tegay ayaa hakad geliyay isu socodka gaadiidka meesha ay wax ka dhaceen.

Gaadiidka gurmadka degdeg ah ayaa goobta ku sugan, kuwaasi oo doonaya in ay daabulaan dadka wax ku noqday.

Qaraxaan ayaa imaanaya maalmo kadib markii weerar is-miidaamin lagu ekeeyay dhismo ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha guud.

Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa sheegatay duulaankaasi oo lagu dilay in ka badan 15 ruux oo u badan shaqaalo dowladeed, oo ku jiro wasiir ku xigeenkii Shaqada, Saqar Ibraahim Cabdalla ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM