Fahfaahin ku saabsan socdaalka wafdiga Talyaaniga ee Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed, ayaa shalay ku soo dhoweeyay Gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho dhiggiisa Talyaaniga, Elisabetta Trenta.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka qotada dheer iyo xoojinta iskaashi wadaagga labada dal u dhexeeya oo ay ku jirto dib uga howlgalidda sidii loo taaba-gelin lahaa heshiisyada la xiriira gaashaandhigga ee labada dal ay hore u kala saxiixdeen.

Elisabetta Trenta waxaa ku wehlinayay booqashadeeda Taliyaha ugu sarreeya ee ciidamada dalka Talyaaniga, oo isna la kulmay dhigiisa Soomaaliya, Indha-Qarshe.

Soomaaliya ayaa qorshaynaysa inay xoojiso ciidankeeda qaran iyadoo kaashanaysa isbahaysigeeda si ay u fuliyaan howlgallo amni oo dhabarka looga jebinayo argagaxisada, laguna ilaalinayo soohdinadda beriga, badda iyo cirka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra'iisul wasaaraha, Cabdullahi Xaamud, Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi.

Waa booqashadii ugu horeysay oo mud sanado badan ah oo mas'uul sare oo heerkan, islamarkaana ka socoto Talyaani uu yimaado dalk Soomaaliya, oo horey u gumeysteen.

Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka Yurub ee safaaradaha ku leh Muqdisho, waxaana ay ka caawiyaan dowladda Federaalka dib u dhiska ciidamada xoogga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM