Fahfaahin sida uu u dhacay weerarka Baardheere iyo khasaaraha

Image
Image
Image
Image
Image

BAARDHEERE, Somalia - Qof naftii hure ah oo watay gaari HOMY [Caasi], oo lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa weerar ismiidaamin ah ka fuliyay gudaha magaaladda Baardheere, ee gobolka Gedo kaasoo sababay khasaarooyin kala duwan oo isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mid kamida dadka degaanka, oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qarax oo ka dhacay banaanka saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin magaaladda ay ku dhinteen 10 qof oo isagu jira shacab iyo Askar.

"Wuxuu ahaa Gaari Caasi [HOMY] ah, oo boor badan ma muuqday, waxa uu ka yimid meel fog oo gobolka katirsan, rasaas ayaa lagu riday markii uu ku dhawaaday saldhiga ciidanka, kadibna waa uu qarxay," ayuu yiri Goobjoogaha, oo magaciisa sababo amniga uga gaabsaday.

Nuur C/llaahi, oo kamida saraakiisha booliska degmada ayaa sheegay in gaariga lagu soo raray khudrad, si aan looga shakin, sidaasina uga soo gubay baraha Koonatarooladda ciidanka ay ku sugan yihiin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, waxayna intaasi ku dartay in ay ku dishay 16 Askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay ku dhaawacday tiro intaasi ka badan.

"Rasaas ayaa lagu riday gaariga kahor inta uusan soo gaarin albaabka saldhiga," ayuu yiri Nuur, oo la hadlay Wakaaladda wararka Reuters.

Baardheere oo ah degmo muhiim ah oo katirsan gobolka Gedo ayaa laga saarey Al Shabaab bishii July, 2015.

Al-Shabaab ayaa dagaal kula jirta mudo 10 sano ah dowladda Somalia iyo AMISOM, iyadoo maamusha qeybo badan oo kamida dalka, waxaana ay weeraro joogto ah ka fulisaa magaaladda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Burundian ee AUSSOM Oo Ka Baxay Xawaadley Ka Dib Fatahaad

War-saxaafadeed ka soo baxay AUSSOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Burundian ay ka fariisteen goobta ay ku sugnaayeen.

  • Soomaliya

    03-06-2025

  • 05:40PM

Kenya Oo Walaac Ka Muujisay Caqabadaha Dhaqaale Ee AUSSOM iyo Saameynta Amniga

Kenya ayaa kumanaan askari ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo ku sugan deegaanada maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    03-06-2025

  • 05:10PM