Fahfaahin: Sidee ayay u dhaceen qaraxyadii xalay gilgilay Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo fiidnimadii Axada ruxay magaaladda Muqdisho, caasimada Soomaaliya, dalka dhaca Bariga qaaradda Afrika.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay degmada Xamarwayne gaar ahaan dhabarka dambe ee Iskaashatada Gaadiidka ee nawaaxiga Madaxtooyadda.

Goobta qaraxaan laga soo wariyay waxaa sidoo kale ka akdhow Huteelo uu kamid yahay Muna iyo Beerta Nabadda.

Sidda uu sheegay Booliska, ma jiro wax khasaaro nafeed oo ka dhashay weerarkaasi oo jugtiisa laga maqlay qaybo kamida caasimada.

Taliska Bileyska ayaa shaaciyey in lasoo xiray darawalkii waday gaariga qarxay iyo laba qof oo la tuhunsan yahay.

"Gaariga wuxuu ahaa NOAH. Qaybta dambe ayuu aad uga burburay," ayuu yiri goobjooge diiday in magaciisa la baahiyo.

Dhanka kale, qarax labaad ayaa ka dhacay xaafada Buula Xuubey gaar ahaan Iskuul Jabuuti ee degmada Wadajir.

Meesha uu shilkaan ka dhacay ayaa ku dhow isgoyskadda Soobe, halkaasi oo mar uu ka dhacay qarax galaaftay nolosha in ka badan 700 ruux.

Kooxda Al-Shabaab ee gacan saarka la leh Ururwaynaha Al-Qaacida ayaa dusha laga saarey mas’uuliyadda dhacdooyinkaan.

Illo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya in labadaan qarax ay isla socdeen, isla markaana hal bartilmaameed oo aysan shaacin ay lahaayeen.

Dhacdooyinkaan ayaa imaanaya xili 50 maalmood ay kasoo wareegatay markii maamulka gobolka Banaadir uu caasimada geliyay xaalad degdeg ah, isla markaana howlgalo culus ay ka soconayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM