Farmaajo iyo Abiy Axmed oo Kulan gaar ah ku yeeshay Beijing

Image
Image

BEIJING - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku kulmay Magaaladda Beijing, ee caasimadda dalka Shiinaha, subax-nimadda saaka oo Axad ahayd.

Villa Somalia ayaa sheegtay in Kulanka Farmaajo iyo Abiy diiradda lagu saarey xoojinta cilaaqaadka labada dowladood, iskaashiga dhaqaale iyo is-dhexgalka iyo amniga gobolka geeska Africa, oo muhiim u ah maalgashiga Shiinaha.

Waa markii labaad oo ay kulan yeeshaan Farmaajo iyo Abiy Axmed tan iyo markii labadda hogaamiye ay xafiiska la wareegeen maadaama markii ugu horeysay ay ku kulmeen Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, bishii June ee 2018.

Farmaajo iyo Abiy ayaa u jooga Beijing ka qaybgalka Shirka 7aad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC 2018), kaasoo maanta oo berri oo Isniin ah ka furmaya magaalada, waxaana uu socon doonaa 3-da ilaa 4-ta September.

Ujeedka Shirkan ayaa waxay tahay in Shiinaha uu ku xoojiyo xiriirka Africa iyo maalgashiga uu ku sameynayo dalalka ku yaalla qaaradda, oo loolan xooggan uu kula jiro Mareykanka iyo dalal kale oo reer galbeed ah.

Madaxwayne Farmaajo ayaa la filayaa inuu ka jeediyo madasha khudbad uu uga hadlayo arrimo kala duwan oo muhiim ah, gaara ahaan doorka ay Soomaaliya ku yeelaneyso mashaariicda Shiinaha uu ka fulinayo Africa. 

Farmaajo oo tagey Beijing 30-kii August ayaa la kulmay dhigiisa Shiinaha Xi Jinping, waxaana kulanka ay labada mas'uul isku afgarteen inay dib u xoojitaan xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha. [Halkan ka akhri warka].

Wasiiradda Ganacsiga iyo arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo la socda wafdiga Farmaajo ayaa heshiisyo la saxiixday Wasiiradda dhigooda ah ee dowladda Shiinaha.

Soomaaliya ayaa ah dalkii ugu horeeyay oo ku yaalla geeska Africa oo Shiinaha la yeesho xiriir diblomaasiyadeed, waxaana xukuumadda Beijing ay mashariic horumarineed oo dhismooyin ay kamid yihiin ka fulisay gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM