Tamim iyo Farmaajo oo wadahadlay xili uu socdo shirka Garowe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qadar ayaa fiidnimadii Talaadada wadahadal dhanka telafoonka ah yeeshay, sidda ay baahisay wakaalada wararka u faafisa Dooxa.

Qatar News Agency ayaa baahisay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Tamim bin Hamad Al Thani, Amiirka Qadar, ay is-dhaafsadaan salaam ku saabsan bisha barakeysan ee Ramadan.

Tani ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo uu magaaladda Garowe ka socdo shir u dhaxeeya madaxda dowlada federaalka iyo maamul goboleedyadda, kaasi oo looga hadlay arrimo masiiri u ah wadanka.

Lama xaqiijin karo, hadii Farmaajo iyo Tamiim ay isla soo qaadeen arrimo quseeya shirkaan madaxa la galay maalintii afaraad, wallow ay jiraan warar soo jeedinaya mawduucaasi.

Wadahadalka dhanka telafoonka ayaa soo shaac-baxaya xili galabnimadii Talaadada uu fashil kusoo dhamaaday kulan laba geesood ahaa oo ay yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo hogaamiyaha Galmudug.

Madaxda Villa Soomaaliya iyo Qadar ayaa siyaasad ahaan waqtigaan aad isugu dhow iyadoo dad badan shaki ka muujiyeen wadhadalkaan ku soo aadey iyadoo magaalada Garowe la socdo shir u dhexeeya maamulada iyo Dowlada Federaalka ah.

Isu imaatinkaasi ayaa wuxuu daarnaa sidii loo qaboojin lahaa xiisada Villa Soomaaliya iyo Axmed Ducaale Geelle, oo salka ku haysa xil-heynta Xaaf oo xukuumadu sheegayso in waqtigeedii uu dhamaaday.

Sidda uu ogaaday warsidaha Garowe Online, madaxweynaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa arrinta soo farogeliyay, iyaga oo waan-waan ka dhex-bilaaban labada dhinac.

Kadib kulamo gaar-gaar ah oo ay la yeesheen dhinacyadda ayaa la isugu yimid mid guud oo la isla gaarey saddexdii habeenimo, kaasi oo natiijo u muuqata isu soo dhowaanshiyo uu kasoo baxday.

Qadar ayaa xulufo dhow la ah maamulka Farmaajo oo la rumeysan yahay in ay ku badan yihiin siyaasiyiin cilaaqaad la leh Dooxa oo fulinaya danaheeda, oo ay kamid tahay in cur-yaamiyo dalalka xayiraada kusoo rogay Dooxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM