Farmaajo iyo Erdogan oo wadahadlay xilli kiisaska Covid-19 sii kordhayaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyneyaasha wadamada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxay saacadihii lasoo dhaafay yeesheen wadahadalo, sidda laga soo xigtay Madaxtooyadda Qaranka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Recep Tayyip Erdoğan ayaa wada-xaajoodkooda ahaa xagga internet-ka sabab la xiriirta safmarka Coronavirus ee dunida oo idil kala xiray.

Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa xaqiijiyey in wadahadalkooda uu daaranaa mahadcelinta gargaar uu Turkiga ka dejiyey magaala madaxda Muqdisho.

Gargaarka waxaa ku jiray; qalabka lagu baaro Covid-19 iyo mashiinka dadka ka saacida neefashadda ee Ventilator gaar ahaan nooca lagu farsameeyay Turkiga, sidda uu Erdoğan sheegay.

"Waxaan wada hadalnay Madaxweynaha Turkiya Mudane @RTErdogan, aniga oo uga mahadceliyay hiilka walaaltinnimo iyo agabka caafimaad ee ay sida degdega ah noogu soo direen," ayuu Farmaajo yiri.

Wuxuu qoraalkiisu intaas raaciyey: "Gargaarkan wuxuu kaalin mug leh ka gaysanayaanka hortagga iyo la dagaallanka cudurka COVID19".

Muqdisho iyo Ankara, sidda ay sheegeen diblumaasiyiinta labada dhinac, ayaa leh xiriir wanaagsan oo ku saleysan danaha ay wadagaan.

Labada dal ayaa laga helay kiisas badan oo ah caabuqaan sidda fudud u faafa. Soomaaliya waxay soo warisay 24-kii saac ee lasoo dhaafay 722 xaaladood, halka Turkiga uu kumanaan soo bandhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM