Farmaajo iyo Geelle oo wahadal Taleefonka ah yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wuxuu Telafoonka uu kula hadlay dhigiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo kawada hadlay isbedaladda Geeska Afrika.

Labadda masuul ayaa arrimaha ay isla soo qaadeen waxaa qayb ka ah dadaaladda dib loogu soo celinayo cilaaqaadka Jabuuti iyo Eritrea oo ay dowladda Soomaaliya kaalin fiican ka qaadaneyso.

Mahad-naqa gaar ah ayey Farmaajo iyo Geelle iska siiyeen doorka ay Soomaaliya ka qaadatay waan-waanta socota, waxayna tilmaameen muhiimadda ay leedahay in gobolka colaado ka fogaado.

Todobaadkan ayey ahayd markii Wasiiro arrimo dibadeedyadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay gaareen magaaalo madaxda Jabuuti, halkaasoo ay kulan la yeesheen madaxda dalkaas.

Jabuuti iyo Eritrea ayaa kulankaasi kadib kala saxiixday heshiis horudhac u ah soo celinta cilaaqaadka labadda dal, kuwaasoo tan iyo sanadkii 2007-dii ka dhaxaysay xurguf salka ku haysa Dhul xuduudka ku yaala.

Heshiiska ay kala saxiixdeen Labadaan dal waxaa si xoogan usoo dhaweeyay Ururka Midowga Afrika, iyo Mucaaradka Jabuuti, kuwaasoo ku baaqay in la adkeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Wadahadalka khadka Taleefonka ee labada Madaxweyne ayaa kusoo beegmay xilli maanta Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf uu qoraal Luuqadda Carabiga ku qornaa uga mahadceliyay Sacuudiga iyo Eithiopia doorkooda dhexdhexaadinta Eritrea iyo Jabuuti. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM