Farmaajo iyo Uhuru oo ku heshiiyay soo-celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta kulan uu dhex-dhexaadinayay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku yeeshay magaaladda Nairobi.

Villa Somalia ayaa shaacisay in Farmaajo iyo Uhuru ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya kaasi oo mugdi soo kala dhex-galay wixii ka dambeeyay Shirkii London ee arrimaha shidaalka.

"Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni," ayaa lagu sheegay qoraalka Madaxtooyadda.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamo Lagu Gorfeeyay Arrimaha Siyaasadda iyo Dastuurka oo ka dhacay Villa Somalia

Madaxweynaha ayaa dhinaciisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho caqabadaha siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-07-2025

  • 11:38AM

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM