Farmaajo iyo wakiilada Beesha Caalamka oo shir yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay Farmaajo kula shirsan yihiin Teendhada Afasiyooni oo ku dhow madaarka diyaaradaha Aadan Cadde.

Illo wareedyo waxay sheegayaan in diblumaasiyiinta ay madaxweynaha ka dhamaadey ku boorinayaan in si deg-deg ah uu dib ugu laabto wadaxaajoodyadda si loo helo heshiis horey loogu socdo.

Garowe Online oo la hadlay dad xog ogaal ah oo ay ku jiraan diblumaasiyiin heer sarre ah ayaa ogaadey in shirka ka socda Teendhada Afasiyooni uu dalbadey Farmaajo.

Codsiga Farmaajo wuxuu yimid markii uu ka war helay in diblumaasiyiintu ay ka tashanayaan qaabka ay u wajahayaan xaalada cakiran ee lagu eedeeyay in maamulkiisa uu abuuray.

"Intii kulanku u socday waxay dhinacyaddu kawada hadleen xaalada Muqdisho iyo walaaca dhanka ammaanka ee ka dhashay muddo kororsiga," ayay ku dareen illo wareedyadda.

Warbixino qaar ayaa sheegaya in wakiilada Beesha Caalamka ay Farmaajo la wadaageen fariimo kama dambeys ah oo ay ka sideen dowladahooda ayna suurtagal tahay in ay fariimahaas qeyb ka ahayd cunaqabateynta iyo shaqsiyaadka ay saameyn karto.

Musharaxiinta ayaa soo xiray ololahooda doorashadda. Qorshe ay isugu kala qeybinayaan qeybaha magaalada ayay bilaabeen si ay ugu cadaadiyaan Farmaajo in uu doorashadda ogolaado.

Hub-uruursi xoogan ayaa laga dareemayaa caasimadda. Ciidamadda waxay u muuqdaan kuwa u kala qeybsamay mucaaradka iyo dowladda. Cabsida in gacan dhaco way sareysaa.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in maamulkiisa uusan diyaar u ahayn dagaal isla markaana wadahadal lagu qaboojiyo xasaradda.

"Dowladda waxa ay caddeysay in aaney cidna duullaan ku aheyn, ciddii tabasho siyaasadeed qabta waxa u furan waddooyin kale oo badan oo aan aheyn kaliya hurin colaadeed .Balaayo cid ku faaideysa ma jirto oo in ku filan waan soo taabannay. “Only the dead have seen the end of war," ayuu Twitter-ka ku daabacay.

Shirka Farmaajo iyo Beesha Caalamka oo natiijadiisa aan wali si furan loo xaqiijin karin ayaa loo arkaa fursad kale oo dalka ka badbaadi kara colaad waase haddii isa soo dhowaanshiyo la helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM