Farmaajo iyo Warsame oo isku qabtey xudunta xasarada dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isku qabtey xudunta deganaanshiyo la'aanta ay bartamaha kaga jirto Soomaaliya.

Farmaajo oo Khamiista maanta ah ka hadlay munaasabad ka dhacdey Tiyaarta Qaranka laguna xusayey 1-da Luulyo ayaa bu'da xasarada Soomaaliya ku sifeeyay "qabyaaladda iyo waddaniyad".

"Dalkan waxaa isku hayey labo aragtiyood xilligii gumeystaha, waxa ayna kala ahaayeen qabyaaladda iyo Waddaniyadda, waxaana guuleystay waddaniyadda oo dhalisay gobanimo, midnimo, dowladnimo, sharaf iyo qarannimo buuxda, taas oo ku timid naf-hurnimada halgameyaashii Soomaaliyeed ee ka adkaaday afkaartii gumeystaha. Maantana wali waa ay nooshahay aragatida waddaniyadda," ayuu xusay.

Hase ahaatee, waxaa u jawaabay Warsame, oo ah hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, kaasoo ku sheegay ubucda colaadaha Soomaaliya "Kaligii Islaam iyo kaligii Waddani".

"Dalkeenna laba fikradood oo xagjir ah ayaa ragaadiyey. Kaligii Islaam iyo kaligii Waddani. Labadduba Diintii iyo Dalkiiba magaca ayey ka dileen. Diintu waa caqiidadeenna, dakuna waa deegaankeenna cid aan magacooda nagu dulmin ee inna wada deeqsiisa, deriskana nabad kula noolaata, dunidana la jaanqaadda ayey shacabku doonayaan," ayuu yiri.

Farmaajo iyo Warsame ayaa kamid ah darafyada isku haya xilka ugu sareeya Soomaaliya ee mudaneyaasha cusub ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ay ku kala saari doonan sanduuqa 10-ka October.

Soomaaliya oo maanta 61-sano jirsatay ayaa wajaheysa dhibaatooyin amni darro, is-qabqabsi siyaasadeed iyo deganaanshiyo la'aan tan iyo markii uu qarxay dagaal sokeeye 1991-dii wallow horumar fiican uu jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM