Farmaajo iyo xeer-ilaaliyaha Qadar oo is-afgarad ku gaarey Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii uu ku sugnaa Nairobi, caasimadda Kenya, halkaas oo uu kaga qeybgalay shir uu UN-ka soo agaasimay, wuxuu la kulmay xeer-ilaaliyaha guud ee Qadar.

Dr. Ali bin Fetais Al Marri ayaa dhankiisa wuxuu booqasho ku jooga magaala madaxda dalka dhaca geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Shirweynaha oo saddex maalin socday ayaa waxaa diiradda lagu saarey sidii horumarinta dadka iyo dhalinyaradda loogu dari lahaa ajandeyaasha caalamka.

Isa-aragga Farmaajo iyo Al Marri ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka xukuumadda Dooxa u fadhiya waddanka Kenya.

Danjire Jaber bin Ali Al Dosari ayaa laga soo xigtay qaar kamid ah qodobadda ay isla meeldhigeen labada dhinac.

Farmaajo, oo Muqdisho dib ugu noqday, iyo Al Marri ayaa isla gartay in labada dal ay iska gaashadaan xoojinta shuruucda iyo dagaalka ka dhanka ah musuqamaasuqa.

Inkasta oo dalab ku aadan in ay fahfaahin ka bixiso loo diray, madaxtooyadda Soomaaliya ayaa nan soo bandhigin kulankan uu madaxweyne Farmaajo la qaatay xeer-ilaaliyaha guud ee Qadar.

Qadar ayaa kamid ah dowladaha aadka ugu dhow maamulka Farmaajo, isla markaana ka taageerta dhanka maaliyadda iyo dhismaha ciidamadda, iyadda oo dhowaan ku wareejisay saanad ciidan iyo gaadiid dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM