Farmaajo oo amar dul-dhigay laamaha amniga kadib qaraxyadii Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday dhismaha ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha Guud, si lamid ah taliska booliska gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo uu ku jiro Saqar Ibraahim Cabdalla, wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada ayaa ku geeriyootay dhacdadaasi oo ku bilaabatay qaraxyo ayna xigtay dabley gudaha u gashay dhismaha.

Ugu horeyn, Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii lagu dilay weerarkaasi si gaar ah qoyska uu ka baxay Wasiir Saqar oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan Gollaha Shacabka.

“Wasiirku waxa uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah, dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato," ayuu yiri Farmaajo, sida looga soo xigtay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Ciidamada amaanka oo ku guuleystay in ay si dhaqsi ah kusoo afjaraan weerarka ayaa la sheegay in ay toogteen gebi ahaanba ragga duulaanka soo qaaday, oo tiradooda lagu sheegay Shan.

Madaxwaynaha dalka oo qiray in mas'uuliyada amaanka ay saaran tahay laamaha amniga ayaa cod dheer kaga dalbaday shacabka ay ku garab siiyaan xoogaga dowlada sidii ay uga adkaan lahaayeen "kooxaha argagixsada ah."

“Kooxaha argagixisada, maalin walba waxay doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana birimageydada si aysan u hana qaadin dowladnimadeeda," ayuu raaciyay.

Sida ku cad warka kasoo baxay Aqalka dalka looga arimiyo, Farmaajo ayaa amray hay’addaha nabad-gelyadda in ay laba jibaaraan howlgaladda lagu xasilanyo amniga caasimada oo umuuqda mid faraha kasii baxaya.

“Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, waana in ay dardargeliyaan hawlaha loo igmaday si looga hortago dhagarta ay kooxaha argagixisada ahi la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna waa in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada," ayuu kusoo xiray.

Sikastaba ha ahaatee, amniga ayaa kamid ah waxyaabaha ugu waawayn oo ay ku guuldareysatay xukuumada Farmajo in ay wax ka qabato xili mudada xileedkeeda ay ka harsan tahay labo sano oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM