Farmaajo oo amar dul-dhigay Wasaaradaha XF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Wasaaradaha xukuumadda federaalka ah in ay xakameeyaan waxyaabaha dibadda laga soo dhoofiyo ee dalka laga heli karo.

Hadalkan ayaa wuxuu ka sheegay munaasabadda daah-furka Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo Isniinta maanta ah lagu qabtay Madaxtooyadda.

Qorshahaan oo ay diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa ku saleysan; amniga iyo siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha, deegaanka iyo horumarinta bulshada.

Farmaajo ayaa waxyaabaha dalka laga heli karo ee dibadda laga soo dhoofiyo ku tilmaamay "dhibaato jilbaha dhulka u dhigey" dhaqaalaha waddanka.

"Waxaa lagama maarmaan ah in aan u babac-dhigno xal u helista dhibaatooyinka soo noq-noqday ee jilbaha u dhigay dhaqaaleheenna iyo wax-soosaarkeenna," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan farayaa Wasaaradaha gaar ahaan Wasaarada Maaliyadda xakameynta waxyaabaha dibadda nooga yimaada ee dalkeena awooda u leeyahay in uu soo saaro".

Soomaaliya ayaa dhowaan markii ugu horeysay muddo sanado ah kadib waxay dib u bilowday dhoofinta muuska, iyaddoo ay jiraan wax-soo-saar kale oo suuqyadda caalamka loo iib-geeyo.

Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Dowladdu ay ku shaqeyn doonto 5-ta sano ee soo socota ayaa la jaan-qaadaya barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo heerarkii ugu dambeeyay maraya.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM