Farmaajo oo ka hadlay qaraxii ka dhacay magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay la beegsadeen Ex-kaantorool Afgooye.

"Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca."

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in goobta ay la beegsadeen argagixisadu qaraxan bahalnimada ah ay muujinayso ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u banneysteen dhiigga muwaadin kasta, iyadoo aan kala sooc lahayn.

Argagixisadu waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay, hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda.

"Cadawgan u shaqeeya fulinta hagardaamooyinka argagixisada caalamiga ah waligood hal shay oo horumar ah dalkeenna kuma soo kordhin, jid ma dhisin, isbitaallo ma hirgelin, xarumo waxbarasho ma sameynin. Shaqadoodu waa burburin iyo xasuuq. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin dhagartooda."

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in awooddeeda oo idil isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda ay dhibaateeyeen cadowgu.

Madaxtooyadda Soomaaliya

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM