Farmaajo oo bilad sharaf gudooon siiyey mas'uuliyiin iyo saraakiil

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada abaalmarinno ku guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ayaa uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay qabteen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku bogaadiyay abaabulkii xoogganaa ee ay sameeyeen isaga oo ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay masuuliyadda isaga saareen qabanqaabada iyo maamuuska Maalmaha Xorriyadda Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan qaran oo mudan in la weyneeyo si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda maadaama oo ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha.

Madaxweynaha ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalmaha Xorriyadda dalka.

Villa Somalia

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM