Farmaajo oo carqaladeynaya furitaanka shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu carqaladeynayaA wadahadaladda xalka waara loogu goobayo is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya, sidda ay sheegayaan warar xog-ogaal ah.

Farmaajo ayaa saddexda maamul ee taabacsan [Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle] wuxuu ku riixayaa in aysan kusoo biirin dhigooda ku sugan Muqdisho si wadaxaajoodyada u bilowdaan.

Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ku sugan Muqdisho, waxaana Axada maanta ah ay Muqdisho kula kulmeen Midowga Musharaxiinta iyaga oo kala hadlay xalka khilaafka doorashadda.

Hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug – Laftagareen iyo Qoor-qoor – ayaa haatan ku sugan Turkiga. Warar kala duwan oo ay kamid tahay in ay todobaadkan soo gaarayaan magaala madaxda dalka ayaa kasoo baxaya, wallow aan rasmi ahaan la xaqiijin karin.

Tafaasiisha ayaa intaas ku daraya in hogaanka maamulada u jaranjeera Villa Soomaaliya ay doonayaan in wadaxaajoodyadda oo ay Beesha Caalamka qaban-qaabisay aysan ku qabsoomin xerada Xalane –halkaasoo loo maciin-biday sababo dhanka ammaanka ah awadeed.

"Farmaajo wuxuu Beesha Caalamka u sheegayaan in waxa khilaafka kala dhaxeeya uu yahay hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland iyo in shirka uu kaliya noqdo mid xaflad ah oo lagu saxiixayo heshiiskii hore isaga oo iska indha-tiraya walaaca dhanka ammaanka doorashooyinka iyo dhamaadka muddo xileedka dowladda," ayay GO u sheegeen illo wareedyo.

Xagal-daacinta uu Farmaajo ku waddo qabsoomida shirkan masiiriga ah waxaa horey uga digay daneeyeyaal ay kamid yihiin Midowga Musharaxiinta, Ururada Bulshadda Rayidka iyo Siyaasiyiin kuwaas oo ka digay in hadii is-mari-waaga sii daba-dheeraado horseedi karto khalkhal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM