Farmaajo oo daaha ka rogay tilmaamaha uu kusoo xushay Rooble

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka kalsooni-siinta iyo ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu xilka u magacaabay 17-kii bishan.

Madaxweynaha oo la wadaagay Xildhibaannada Golaha Shacabka tilmaamaha uu ku soo xulay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa xaqiijinta yididiillada ay ku qabaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa muwaadin Soomaaliyeed oo aqoonyahan ah, waayo-arag ah oo waddaniyaddiisu ay sarreyso. Waxaa laga rabaa in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo sii ambaqaadi karta howlaha muhiimka ah ee dalka hortabinta u leh.”

Codsiga Madaxweyne ee kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha kaddib, Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay yeesheen kulan kale oo gaar ah oo ay codka kalsoonida ku-siiyeen Ra’iisul Wasaaraha, iyada oo codeynta uu dibad joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxa ayna Xildhibaannadu cod buuxa ku ansixiyeen Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xuukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Kulankii Labaad ee Golaha Shacabka oo uu ku soo biiray waxa uu goob-joog ka ahaa Xasaanad-siinta Ra’iisul Wasaaraha cusub Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xilka uu u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Villa Soomaaliya

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM